NASDO Organization – Transforming Life’s Together
GoodHeart Our Team
Our Blog
GoodHeart Our Services
GoodHeart About Us
Goodheart Contact Us

Kulan qado iyo kala xog qaadasho ahaa ay

Kulan qado iyo kala xog qaadasho ahaa ayaa maanta ka qabsoomay Xafiiska Hey’adda NASDO ay ku leedahay gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa Goobjoog ka ahaa Xoghayaha guud ee Ururka Somali Journalists Syndicate – SJS Abdalle Ahmed Muumin oo ah urur u dooda Xorriyadda Saxaafadda, sidoo kalana Tababarro siiya Weriyaasha ka howlgala gudaha dalka.

Waxaa kale oo kulanka ku sugnaa guddoomiyaha Daryeel Bulsho Mohamed Ali Siad “Champion” oo hoggaamiya dhallinyaro ka shaqaysa samafalka iyo caawinta dadka danyarta ah iyo dhallinyaro kale, waxaa ay la kulmeen Guddoomiyaha Hey’adda NASDO Mudane Abdirahman Mohamed Hassan oo mas’uuliinta la tusiyay xafiiska hey’adda NASDO iyo sida uu uga shaqeeyo arrimaha bulshada, waxaana ay bogaadiyeen dadaallada muuqda ee Hey’adda Wacyigelinta iyo Horumarinta Bulshada ee Nasdo u hayaan bulshadada Soomaaliyed.

NASDO, waxay ka timid bulshada, waxaana ay u timid bulshada Soomaaliyeed.

NEWSLETTER

Subscribe now to receive the latest news about discounts