Hey’adda NASDO ayaa agab nadaafadeed u qeybisay qaar ka mid ah dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Banaadir.
Agabkan oo isugu jiray Baaldiyaal, Caagag, Kalooriin, Saabuun iyo Agabyo kale oo la xiriira Nadaafadda ayaa waxaa ka faa’iideystay Qoysas gaaraya ilaa 800 oo Qoys.