NASDO Organization – Transforming Life’s Together
GoodHeart Our Team
Our Blog
GoodHeart Our Services
GoodHeart About Us
Goodheart Contact Us

WAXAAN DEEQ RAASHIN IYO XOOLO UGU DEEQNA

WAXAAN DEEQ RAASHIN IYO XOOLO UGU DEEQNAY CARUURTA AGOONTA AH EE XARUNTA DR KADARE IYO GUDOOMIYAHA HAWEENKA GOBOLKA BANAADIR OO KORMEER KU SAMEESAY
———————————————————————
ISNIIN-23-September-2019 Waxaan maanta deeq isugu jirta raashiin iyo xoolo ugu deeqnay xarunta Dr kadare oo ay si wada jir ah gacanta ugu hayaan ciidanka asluubta soomaaliya iyo hay’ada nasdo

Gudoomiyaha hay’ada nasdo aburahman mohamed hassan ayaa deeqdan soo gaarsiiyay caruurta iyadoona ay ku wehlineysay gudoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir marwo Jawaahir Baarqab

Sidoo kale marwo jawaahir ayaa kormeer ku sameesay MCHka NASDO ee degmada c/casiis oo dhawaan dayactir lagu sameeyay, iyadoona sheegtay adeegyada ay xaruntan bixiso inay muhiim u tahay hooyada iyo dhalaanka gobolka banaadir sidoo kalena hay’ada Nasdo ku amaantay caawinta Hooyada iyo dhalaanka gobolka banaadir

Ugu dambeyn gudoomiyaha hay’ada nasdo ayaa uga mahadsanid gudoomiye jawaahir booqashadeeda sidoo kalena sheegay in hay’ada nasdo ay ka go’antahay caawinta bulshada soomaaliyeed

Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska warfaafinta hay’ada nasdo
Website: nasdosomalia.org
Twitter : @nasdoorg

NEWSLETTER

Subscribe now to receive the latest news about discounts