NASDO Organization – Transforming Life’s Together
GoodHeart Our Team
Our Blog
GoodHeart Our Services
GoodHeart About Us
Goodheart Contact Us

HAY’ADA NASDO AYAA KORMEERTAY DAD KASO

HAY’ADA NASDO AYAA KORMEERTAY DAD KASOO BARAKACAY FATAHAADA WABIGA SHABEELE
———————————————————————
5-november-2019. Wafdi uu hogaaminaayay
gudoomiyaha hay’ada nasdo abdirahman mohamed hassan ayaa kormeer loogu kuur galay xaalada barakacayaasha ku nool deegaanada ceel cade, ceel macaan, gubadleey iyo warshiikh ku gaaray iyagoona mid mid xaaladooda uga wareestay dadka deegaanka

Kormeerkan ayay howl-wadeenada hay’ada nasdo ku soo ogaadeen baahida dhabta ah ee ka jirta deegaanadan

Dadka ku dhaqan deegaanadan oo isugu jira qaar kasoo barakacay fatahaada wabiga shabeele iyo kuwo horay u daganaa ayaa codsaday gar-gaar dhan walbo ah

Gudoomiyaha hay’ada nasdo ayaa balan-qaaday in hay’ada nasdo ay caawin deg deg ah gaarsiin doonto dadka ku nool deegaanadan intii karaankooda ah ayna ka go’antahay caawinta dadka soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Wixii faah faahin ah kala xiriir
Xafiiska warfaafinta hay’ada
Website: nasdosomalia.org
Facebook: Nasdo organization
Twitter @nasdoorg

NEWSLETTER

Subscribe now to receive the latest news about discounts